Fashil kusoo socda Forex-ka la wada furtay oo faahfaahsan!

0

(Hadalsame) 10 Feb 2020 – Youtube iyo Forex waxey noqdeen isku mid. Qof walba oo Gmail leh wuu sameysan karaa Youtube, sidoo kale hada Xamar waxey noqotay qofkii miis, kursi iyo Laptop heli kara wuxuu furtay Forex, kadibna dad ayuu min $500 ama min $1000 dollar ka aruursanaya, kadibna dalaaliin ajinabi ah oo uusan horey ula macaamilin ayuu lacagtii u diraya si ay ugu shaqeeyaan. Hada waxaa la ii sheegay 150 xarumood iney dhaafeen xafiisyada Forex ee Muqdisho ku yaala.

Anigu waa taageersanahay iney dhallinyaradu shaqeysto, laakiin habka ay hadda wax ku socdaan lama aamini karo, ummadana dhibaato weyn ayaa kasoo gaari karta. Forex waxaa laga dhigay shaqada ugu fudud ee Muqdisho taala. Dadka hada xarumaha furtay, waxaa ka badan kuwa hada qorsheynaaya.

Waxaan ognahay in dad badan oo lacag laga lumiyay in arrintooda hab beeleed loo xaliyay. Waxaa kaloo igu maqaalo ah in dad badan ay hadda lacago ka xayiranyihiin, taas oo la ii sheegay iney sababtay aqoondaro iyo shirkadihii ajinabiga ahaa ee howsha la waday oo noqday kuwo been abuur ah.

Si ganacsigani uu u noqdo mid macno leh, xiiso leh, oo aamin ah, waxaan Dowladda Federaalka ah ugu baaqaya iney shirkadaha Forex dhamantood diiwaangeli qaali ah ka qaado, akoono uga sameyso Bankiga dhexe, kadibna lagu amro iney lacago dibaaji ah halkaasi ku shubaan, si lacagtaas loogu ceymiyo dadka hadii ay xoolihii lumiyaan. Qofkii aan shuruudahaas ka bixi karin ganacsi doon ma’ahan ee waa qof raba inuu wax dhaco.

Xeerar iyo habab loola macaamilo ayey Dowladaha adduunku u sameeyeen suuqan Forex marka laga reebo Soomaaliya iyo Masar. Sax ma’ahan in qof aan kun dollar heli karin uu qoorta gashado hal milyan oo dollar, hadii ay luntana la yiraahdo yaa reer Hebel ah.

Ganacsigaan faa’iido iyo khasaaraba waa lee yahay, waana in dadka lacagaha laga qaadayo sidaas wax loogu sheegaa, oo aan laga aqrin.

Waxaa Qoray: Cabdullahi Cismaan Faarax

Hadalsame Media