YAAB! Mashiin dadka gubtey ku buufinaya MAQAAR macmal ah oo tijaabadiisa lagu guulaystey! (Daawo)

0

(Toronto) 09 Feb 2020 – Waxaa la tijaabiyey mashiin daabece ama ‘printer’ oo kale ah oo diyaarinayay maqaar macmal ah oo la saarayo jirka gubtey, kaasoo aad loogu bogey loona adeegsan karo qaybaha gubniinka ee isbitaallada dadwaynaha.

Daabacahan oo ah nooca 3D ayaa waxaa dhisay injineerro ka tirsan Jaamacad ku taalla Toronto sanadkii 2018-kii.

Tiknolojiyaddan casriga ah ayaa tillaabo wax ku ool ah qaadday horraantii bishan, kaddib markii la sheegay inuu tijaabada kasoo saaray natiijo loo riyaaqay, iyadooo loo adeegsadey doofaarro gubtey.

Hall cilmi baare ayaa sheegay in agabkan oo u shaqeeynaya sidii aflaamta mala awaalka ah ee sci fi-uu samaynayo ”nudayaal macmal ah.”

Bukaannada aadka u gubtey ayaa badanaa waxaa loo sameeyaa waxa loo yaqaanno tallaal maqaar (skin grafts), taasoo ah in maqaar caafimaad qaba laga soo jaro qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah kaddibna lagu dahaaro qaybihii gubtey.

Balse waxaa marar badan dhacda in aanu qofkuba lahayn maqaar caafimaad qaba oo u haray, gaar ahaan gubashada heerka 1-aad.

Daabacahan 3D-ga leh ayaa awood u leh inuu walxo barotiin ka buuxo oo raysadka gacan ka gaysta ku dahaaro meelihii gubtey, kaasoo marka dambe noqonaya maqaar oo kale.

Hadalsame Media