Howlwadeenno caafimaad oo kala cararay halkii ay baari lahaayeen dad Chinese ah oo garoon kasoo degey!

0

(Jubba) 07 Feb 2020 – Howlwadeenka caafimaad ee dalka South Sudan ee loo geeyay garoonka Juba International Airport in ay baaraan dadka musaafurka ah ee garoonka kasoo degaya si looga hor tago Coronavirus ayaa garoonka ka kala cararay.

Sida lagu qoray JoyNews, dadkan ayaa kala cararay kaddib markii ay garoonka kasoo degeen diblomaasiyiin Chinese ah, halkii ay fulin lahaayeen amarka kasoo baxay dowladda  South Sudan ee lagaga hor tegagyo faysruskan halista ah.

Wasiirka Caafimaadka dalkaasi South Sudan, Dr. Riak Gai Kok, ayaa sheegay in dalkiisu aanu hakin doonin safarrada u kala socda labada dal.

Cudurkan oo ka bilowday magaalada Wuhan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 200, halka la xaqiijiyey wax ka badan 20,000 oo cudurkan la xanuunsan.

Hadalsame Media