DAAWO: Neymar oo la kulmay arrin ay la yaaban tahay dunida ciyaaruhu!!

0

(Paris) 06 Feb 2020 – Ciyaar dhex martay Paris SG iyo kooxda Montpellier oo u marti ahayd galabnimadi Sabtida 2/2/2020, taasoo ay guushu raacday kooxda caasimadda 5-0 ayaa waxaa ka dhacday arrin qosol badan.

Kooxda martida ayaa ciyaarta ku dhameysatay 9 ciyaaryahan. Waxa dhacday arrin uu nuuceeda cusub yahay oo qabsatay jookarka Naymar Jr.

Daqiiqaddii 36-aad ee ciyaarta ayaa waxa uu xidiga reer Brazil isku dayay inuu soo bandhigo farsamo cajiib ah, wuxuuna sameyay gembis lagu naanaysay qaanso roobaad.

Neymar ayaa laba ka mid ah difaacyada kooxda martida ku dayey gembis uu kubadda ku qabanayo labadiisa lugood kadibna uu ciribta kaga soo dulqaadi maagay, laakin daafaca ayaa madax kaga bixiyay waxaana sidaa ku fashilmay isku daygii Naymar.

Garsoorihii ciyaarta aya ka dalbaday Naymar inuusan mar dambe sameeyn gembiska noocaas ah, isagoo ku tilmaamay jees jees laakiin Naymar ayaa ka xanaaqay faragelinta la yaabka leh ee garsooraha, waxa una la murmay garsoorihi waxaana deeto la siiyay kaarka jaallaha.

Garsoaaraha ayaa horay ugu digay Naymar inusan jilin dhaawac been ah laacibinta hortooda. Iyado laxasuusto jiliinki caanka baxay ee Naymar sameeyay Koobkii Adduunka 2018-kii ee Raashka.

Naymar guryankii kuma joojin garoonkee waxa uu sii waday ilaa luuqa loo maro qolalka dhar bedelka isagoo ku yiri garsoore Jerome Brisard: ”anigu waxan cayaaray kubbad ee maxad ii siisay kaarka jaalaha?”

Arintan waxay dood ka dhex kicisay taagerayaasha kooxaha Faransiska iyo caalamka. Waxay u kala qeybsameen kuwa u arkay inu saxnaa garsooraha iyo kuwa ku tilmamay kaar lagu bixiyay micne la’aan.

Waxaa Diyaariyay: Fowsi Axmed

Hadalsame Media