LINDA NCHI: Kenya oo 11 sano kaddib ka SHALLAAYSAN gelitaankii Somalia

0

(Nairobi) 06 Jan 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa sheegay in Howlgalkii halka dhinac ahaa ee Linda Nchi ee ay Kenya ku gashay gudaha Somalia si fasax la’aan ah uu 11 sanadood kaddib fashil ku socdo, isagoo xusay in amaankii ay Kenya sheegtay inay sidaa ku sugayso uu maanta ka liito markii ay Somalia ku duulaysey.

”Macallimiintii ayaa lagala cararayaa Woqooyiga Kenya. Gobolka Woqooyi Bari & Degmooyinka Isiolo, Marsabit, Tana River & Lamu waa xirmi rabaan.” ayuu yiri Faarax Macallin.

Faarax Macallin ayaa sheegay in musuqa ka jira Kenya dartii lasii daayo dadka lagu tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, kaddib marka ay lacago laaluush ah bixiyaan.

Macallin ayaa sidoo kale ka hadlay arrin kale oo ah inay Kenya tobannaan sano ka macaashaysey musiibooyinka deriska.

Bunka Uganda, hantida South Sudan, dagaalkii Rwanda/Burundi, hantida iyo maskaxda Somalia, Ethiopia oo soo wada galay Nairobi, iyagoo kasoo baxsanaya xasillooni darrida dalalkooda.

”Taasi hadda waa is bedeleysaa.” ayuu yiri Faarax Macallin.

Hadalsame Media