Imaaraadka iyo Israel oo yeeshay kulan qarsoodi ah oo loogu tashanayo dal Muslim ah!

0

(Washington, DC) 05 Feb 2020 – Saraakiil sare oo Maraykan ah, Israel iyo Imaaraadka ayaa la sheegayaa inay kulan qarsoodi ah ku yeesheen Aqalka Cad, bishii Diseembar, si ay uga arrinsadaan arrinta Iiraan.

Kulankan oo qabsoomay 17-kii Diseembar ayaa lagu soo qaaday sidii baa la yiri la iskaga kaashan lahaa Iiraan, iyadoo laga wada xaajoodey in sidoo kale ay Israel iyo Imaaraadku “kala saxiixdaan heshiis dhigaya inay is amaan geliyaan,” sida uu weriyey Axios oo soo xiganaya saraakiil sare oo kulanka ku dhow.

Waxaa qaybta Maraykanka ka mid ahaa la taliyaha Amaanka Qaranka dalkaasi, Robert O’Brien, ku xigeenkiisa Victoria Coates iyo ergayga Washington ugu qaybsan dalka Iiraan, Brian Hook.

Waxaa kale oo kulankan qarsoodiga ahaa ee iminka la dusiyey fadhiyey la taliyaha Meir Ben-Shabbat, oo aad ugu dhow lana taliya RW Benjamin Netanyahu iyo Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Washington Yousef Al Otaiba.

Otaiba ayaa la sheegaa inuu aad ugu dhow yahay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carbeed,  Mohammed bin Zayed, sida ku dhigan Axios. Ninkan ayaa xitaa la sheegay inuu fadhiyey markii uu MW Maraykanka ee Donald Trump uu ku dhawaaqayey wax loo bixiyay ”Heshiiska Qarniga” oo lagu bahdilayo qarannimada Falastiin, balse la sheegayo in lagu nabdaynayo Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale markii todobaadkii tegey heshiiskan lasoo bandhigayey goobta fadhiyey Netanyahu laftiisa.

RW Israel ee Netanyahu ayaa isaga oo Iiraan ku xuuxinaya wuxuu heshiisyo hoosaad la wadaa dalalka Khaliijka qaarkood oo uu ugu horreeyo Imaaraadka, sidoo kale Sucuudiga iyo Baxrayn ayaa qayb ka ah. Shirkan ayaa daba socdey mid ka dhacay caasimadda Poland ee Warsaw bishii Febrayao 2019-kii. Israel ayaa dalalkan ka raariddey in halista ugu wayn ee ay kulligood, oo ay Israel isku darayso, wajahayaan ay tahay Iiraan.

Hadalsame Media