SAAMAYNTA BREXIT: Kallluumaysato Faransiis ah oo saaka laga soo eryey xeebaha Ingiriiska

0

(London) 01 Feb 2020 – Kalluumaysatada Faransiiska ah ayaa durba saaka dareemay ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, kaddib markii muddo gaaban laga celiyey inay ka dabtaan biyaha dhanka Britain.

Meesha la isku qabtay waa Guernsey, oo ka mid ah jasaa’irka ku yaalla hilinka English Channel ee dhaca bannaanka Normandy, kuwaasoo uu heshiiska Midowga Yurub dhigayey in laga kalluumaysan karo, balse heshiiskaasi wuxuu si otomaatig ah y dhacay xalay saqdii dhexe kaddib markii ay Britain ka baxday MY.

London ayaa weli u baahan inay heshiis ganacsi kala xaajooto Brussels, balse waxaa jira muddo kala guur ah oo 11 bilood ah oo ay wax kastaahi ku soconayaan “sidii caadiga ahayd” ilaa dhamaadka sanadkan 2020.

Yeelkeede, Guernsey, oo ah jasiirad British ah, ayaa ku dhawaaqday inay hirgelinayaan hannaan howleed cusub oo ay kalluumaysatadu rukhsad u baahanayaan si ay biyahaa usoo galaan.

Waxay taasi ka dhigan tahay in kalluumaysatada Faransiiska ihi ay rukhsad dalban doonaan ilaa siyaasad cusub laga dejinayo – kaasoo ah geeddi socod qaadan doona muddo todobaad lagu qiyaasayo.

Wasaaradda Beeraha Faransiiska ayaa xaqiijisay in doonyaha Faransiiska haatan si KMG ah “loo hakiyey inay ka jillaabtaan” biyaha Guernsey.

Hadalsame Media