Kenya oo ku muransan inay ka baxaan dacwadda ICJ (Qorshe ila meerayso ah oo u diyaarsan haddii Somalia loo xukumo)

0

(Nairobi) 01 Feb 2020 – Seddax garsoore ayaa diidey codsi lagu doonayey in Kenya looga saaro dacwadda badda ee maxkamadda ICJ ee ay ku oogtey Somalia.

Garsoorayaasha Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima ayaa Jimcihii xugmiyey in aan codsi (petition) iyo dastuur aan lagu dhamayn karin arrintan, balse lagu xallin karo diblomaasiyad, Baarlaman iyo tillaabooyin ay qaaddo dowladdu.

Dadka petition-ka saxiixay ayaa ku doodayey in ka qayb qaadashada dacwaddan ee Xeer Ilaaliyaha Qaranka Kenya uu ”meel uga dhacayo madax bannanida Kenya,” sida ay sheegeen.

Waxay iyagoo adeegsanaya qarreen Kibe Mungai, ay sheegeen in ay Kenya halis ugu jirto in qaab foorfayt ah looga qaato ”qayb ka mid ah geyigeeda,” haddii ay ICJ dhulkaa u xugmiso Somalia.

Qarreenka ayaa soo jeediyay in Dowladda Kenya ay danta dalkeeda muhiimadda 1-aad siiso, sida qura ee ay sidaa ku samayn kartaana waa iyada oo iskaga dhaqaajisa dacwadda ICJ, si loo dhowro madax bannaanida gayi ee Kenya.

Yeelkeede, garsoorayaasha xukunka ridey ayaa ku dooday in goobjoognimada Xeer Ilaaliyuhu ay kaliya tahay inuu Maxkamadda ICJ kusii wargeliyo waxa ku qoran Dastuurka Kenya sida inaysan ogolayn in la qaato ”taako dhulkooda ka mid ah” iyo tillaabooyinka ay qaadi karto, haddii lacalla dhul badeedka loo xugmiyo Somalia.

Si kastaba, Kenya ayaa ka mid ah dalalka saxiixay cahdiga Maxkamadda ICJ, iyagoo ku khasban inay raacaan xukunkeeda oo aan rafcaan lahayn, waloow aan hubin inay sidaa yeeli doonaan, maadaama aanay ICJ lahayn hay’aad dhaqan geliya go’aamadeeda.

Hadalsame Media