Garoon noqon doona kii ugu waynaa ee ay abid Somalia laga dhiso oo dhulkiisa laga calaameeyay duleedka Muqdisho, goobta + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Feb 2020 – Wasiirro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku habboon in laga hirgaliyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Mas’uuliyiintaan waxaa kormeerkooda ku wehlinayay Khubaro ku xeeldheer sahminta garoomada diyaaradaha waxayna madaxda khubaradaasi isku raaceen in deegaanka Maaxaay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ay tahay halka ku haboon in laga hirgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha oo cabirkiisu gaarayo 14-km.

Qaar kamid ah odayaasha iyo culimada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhulkooda ugu yaboohay Qaranka iyo in loogu shaqeeyo danaha ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in deegaanka Maaxaay uu yahay goob istaraatiiji ah oo ku haboon in laga dhiso garoon casri ah oo meteli kara guud ahaan dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadaha soo socda soo gaba-gabeyn doonto mashruucaan lagu dhisayo garoon caalami ah oo magaalada Muqdisho ay yeelato.

Garoonkaan ayaa haddii la hirgeliyo noqon doona kii ugu weynaa ee dalku uu yeesho waxaa uuna dabooli doonaa baahiyo badan maadaama uu noqon doono mid baaxad weyn oo la jaanqaadi kara garoomada Caalamiga ah ee dunida.

Hadalsame Media