”Ka waaban mayno inaan XOOG adeegsanno!” – Turkiga & Suuriga oo qarka u saaran inay gacanta isula tagaan!

0

(Ankara) 31 Jan 2020 – Ankara ayaa sheegtay inaysan indhaha ka eegan doonin haddii ay ciidamada Suuriya sii wadaan duullaanka gobolka Woqooyi Bari ee Idlib, sida uu ka digey Recep Tayyip Erdogan oo sheegay inay miiska u saaran yihiin ikhtiyaaraad ay ka mid yihiin kuwa ugu qaraar.

“Ma daawan doonno xaaladda Syria… Kamana laba-labayn doonno wax kasta oo ay nagu qaadato, oo ay ku jirto adeegsiga xoog millateri,” ayuu yiri Erdogan oo maanta ka hadlayey Ankara.

Wuxuu ku dooday in weerarka taliska “ka arrrimiya Suuriya” uu sababay inay qaxooti badani kusoo jabaan Turkey.

Talaadadii, Ciidamada Suuriya ayaa soo galay Koonfurta Idlib, iyagoo dhul badan ka qabsaday kooxaha xag-jirka ah, balse Turkey ayaa ka digey inay ka jawaabi doonaan haddii lasoo hujuumo 12 meelood oo ay ciidamadiisu wax ka eegaan.

Horraantii todobaadkan, Erdogan ayaa sheegay in weerarka uu Taliska Dimishq kusoo qaaday Idlib – meesha ugu dambaysa ee ay kooxaha hubaysani ka haystaan Syria – uu jebinayo xabad joojintii ay ka wada shaqeeyeen Ankara iyo Moscow ee sanadkii tegey Sochi lagu saxiixay, isagoo Ruushka ugu baaqay inuu la hadlo Bashaar Al Asad.

Hadalsame Media