Dadka reer Galmudug laba dow midkood haku dadaalaan, wax kale yay ku daalin!

0

(Hadalsame) 31 Jan 2020 – Sida aan ka war hayno inta hanaqaaday maamullada dalka dhammaantood waxaa si isku duubni ah u dhistay dadka deegaanka oo is afgarad iyo heshiis dhexmarey ku ambaqaaday.

Galmudug dowladdii horena waddo sugan uma marin, tanina waa uga dartey, waxaanse anigu eedda saarayaa dadka deegaanka oo aad moodo inaysan ahayn kuwo ilaa maanta u diyaar ah inay heshiiyaan, heshiis dhab ah kaddibna maamul aan ciddina dabada ka riixayn dhistaan.

Haddaba is weydiintu waxa ay tahay, maxaa waxgaradka Galmudug ka dhigay kuwo aan lahayn karti iyo awood ay dantooda ku maareeyaan? Ma garasho xumaa mise waa hagar?

Isku soo wada duub inta maamul ee la dhisayo dhammaantood waa kuwo dhib mooye aan dheef keenayn, arrinta Galmudugna waxa ay u eg tahay middii Xamar dowladnimada u diiday 1991-2004.

Dadka reer Galmudug oo isku duuban dhammaan qaybaha bulshadu waa inay laba mid la yimaadaan.

1.Talo.mideysan iyo heshiis dhab ah oo ay iyadoon, dowlad, ciidan shisheeye, midna ku dhex jirin ay dhistaan maamul.

2. In ay qoorta dhiibtaan wixii loo dhisana ku dareensamaadaan oo taageeraaan.

Labadaa arrin wixii ka soo hadhaa waa i jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, weligeedna halkaasaan fadhiyeysaa, berina ubadkooda iyagaa aayo tiraya oo asaagood ka reebaya ee yeysan cidna eersan.

Galmudug Bari gacanta nacabka ka bixi mayso inta sidab loo kala qaybsan yahay, Galmudug galbeed iyo waqooyina is afgarad ka dhalan maayo.

Waxba yaan lagu daalin maamulo magac u yaal ah oo aan ka duwanayn sheegashadii Madaxweyne Duraan.

Haddii reer Galmudug yihiin dad waa inay meesha ay yaallaan kor isaga qaadaan, lana helaa dad aan xil iyo dhaqaale rabin oo ay ka go’an tahay in wax uun dhaqaaqaan oo maamul lagu mideysan yahay galmudug ka hirgalo.

Dowladdu waxaan hore gu’ ka hor u sheegay in hadba sida ay Galmudug u maareeyso ay milgaheedu ku xidhan yahay, haddiise hoggaanka dalku dantiisa keliya ka dhex arko inuu wax u dhoodhoobo, tii shalay ka horreysaa ku hungoodey ee hog yaan dadka yididiiladooda lagu ridin.

Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan H. Gallayr

Hadalsame Media