DAAWO: Turkiga & Giriigga oo beryahan isku xumaa ayaa hal arrin iskugu hiilliyey!

0

(Strasbourg) 31 Jan 2020 – Xildhibaan Fajiiste ah oo Giriig ah oo jeexjeexay calanka Turkiga, xilli lagu jirey dood ka soctey Baarlamanka Yurub ayaa cambaarayn kala kulmay dalkiisa Giriigga iyo Turkiga oo hiillo dhif ah isu muujiyey xilli aysan isku fiicnayn Athens iyo Ankara.

Xiriirka labada dal ayaa xilligan aad u xaraar kaddib markii ay isku khilaafeen heshiis uu Turkigu la galay dalka Libya.

Yeelkeede, waxay u midoobeen dhaleecaynta xildhibaanka madaxa bannaan ee ku jira Baarlamanka Yurub (MEP) Yannis Lagos.

Ninkan oo ka mid ah siyaasiyiinta cunsuriga ah ee Midigta Fog, kana soo go’ay xisbiga Nazi-ha cusub ee Casri Dahabiga (Golden Dawn), ayaa jeexjeexay calanka Turkiga, isagoo Ankara ku eedeeyay xasaradda qaxooti ee ay wajahayso.

Ninkan ayaa Turkey ku eedeeyay “in loo dhaafayo samaynta wax kasta oo ay doonayso,” ayaa sheegay in qaxootiga dalkiisa kusoo qulqulayaa ay “dalkiisii qaateen.”

“Waxaan halkan ku hayaa calanka Turkiga… Maxaad ku samayn lahayd calankan? Hagaag, waad jeexjeexi kartaa,” ayuu yiri Lagos.

Wasiir Dibadeedka Greece ayaa sheegay in ”cunsuriyiintu ay naftooda uun wakiil ka yihiin.”

Dhiggiisa Ankara Mevlut Cavusoglu ayaa weeraray wax uu ku sheegay “ciyaalka cunsuriga ah ee ay Yurub suuraha ka badisay” isagoo Europe ka dalbaday “inay joojiyaan cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka.”

Hadalsame Media