JANAN & JEELKA: ”Adinka ayaa la idinka rabaa!” – DF Somalia oo loo haysto wacaalka Jananka ”baxsaday”

0

(Muqdisho) 29 Jan 2020 – Maamulka Jubbaland ayaa DF Somalia ka codsaday inay keenaan wacaalka iyo halka uu jaan iyo cirib dhigay Wasiirkii Amaanka ee maamulkaasi, Abdirashid Janan, kaddib markii ay shalay soo bexeen warar sheegaya inuu xabsiga dhexe ka baxsaday.

Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in warka Taliye Xigeenka Booliiska Somalia, Jen Zakia Hussein ee Janan ku saabsani uu yahay mid ”welwel leh”, isla markaana waxay DF ku eedeeyeen ”inay wax qarinayso.”

Taliye Xigeenka ayaa shalay dadwaynaha u sheegtay inuu Janan Jeelka ka baxsaday, iyadoo jamaahiirta ka dalbatay inay lasoo wadagaan wixii wacaal ah.

Yeelkeede, Jubbaland ayaa u muuqata mid arrinta uga jeedda xagal kale, iyadoo sheegtay in Janan uu u dhexeeyo ‘geeri iyo nolol’.

Waxay kale oo DF ku eedeeyeen inay si sharci darro ah ku xirtey Janaan muddo 5 bilood ah iyagoo aan wax maxkamad ah soo taagin taasoo ay ku tilmaameen mid muujinaysa ”in aanu dembi lahayn”, sida ay qabaan.

Hadalsame Media