Wiil Suuriyaan oo sabab la yaab leh ”GEESI” uga noqday Turkiga (Dhalashada Turkiga oo la siinayo)

0
Cusmaan iyo lamaanaha uu badbaadiyey

(Elazığ) 29 Jan 2020 – Wiil Suuriyaan ah oo badbaadiyey qoys ku dhex jirey burburka ka dhashay dhul-gariirkii ku dhuftay gobolka  Elazığ ayaa la siinayaa jinsiyadda Turkiga.

Sida ka timid MW Recep Tayyip Erdoğan oo amarkan bixiyay shalaytoole, waxaa dhalashada Turkish-ka la siin doonaa Mahmoud al-Osman iyo dhamaan qoyskiisa.

“Dabcan waxaan siin doonnaa dhalasho. Waa arday halkan wax ka barta, af Turkigana ku hadli kara. Qoyskiisuna waxay noqon doonaan muwaadiniin,” ayuu Erdoğan warfidiyeenka u sheegay isagoo u socda Senegal oo ka mid ah dalalka Afrika ee uu iminka booqanayo.

Osman ayaa warkan kusoo dhoweeyay si farxad leh, isagoo sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay inuu helo dhalashada Turkiga, balse wuxuu sheegay in aanu abaal ku rabin dadaalka naf hurnimada ah ee uu sameeyay.

“Waa ii sharaf, balse sidaa oo kale ayaan yeeli doonaan haddii ay taasi ka dhacdo meel kastoo kale oo caalamka ka mid ah,” ayuu yiri, isagoo sheegay in falkiisu uu wax ka bedelayo aragtida laga qabo shacabka Suuriya.

Al-Osman, oo ka yimid magaalada Xama ee Syria, laba sanana wax ka baranayey Turkiga ayaa badbaadiyey lamaane Turki ah oo ku hoos jira burburka guri dhul gariir dumiyey, isagoo gacmihiisa ku qoday.

Dürdane Aydın ayaa sheegtay in markii ay arkeen nal kor kasoo ifaya uu ninkeedu firimbi yeeriyay kaddibna uu Cusmaan godkii ugusoo galay isagoo ifsanaya mobaylkiisa.

”Markii hore wuxuu bixiyey odaygayga, markii xigtayna aniga, gacmihiisa dhiig baa ka da’ayey, balse dan kama lahayn. Waa geesigeenna.” ayay tiri Dürdane Aydın.

Cusmaan iyo lamaanaha uu badbaadiyey

Hadalsame Media