DF Somalia oo Muqdisho ka bilaabaysa barnaamij ay ka wada qayb gelayaan dadwaynaha dalka oo dhan

0

(Muqdisho) 29 Jan 2020 – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (MoCA) ayaa bilaabay olole dadwaynaha lagu gaarayo dadwaynaha taasoo qayb ka ah geeddi socodka dib u eegista Dastuurka, iyadoo lagu bilaabayo dadwaynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ee hoos taga Maamulka Banaadir (BRA).

Ololahan ayaa ka koobnaan doona dhowr qaybood oo wada tashi ah iyo xiisado dood ah, kuwaasoo lagu qaban doono Gobolka Banaadir iyo dhamaan Maamullada Federaalka ah (FMS).

Waxaa laga qayb gelin doonaa dhamaanba qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo hay’aadka DF Somalia heerarkooda kala geddisan, iyadoo uu ujeedku yahay in la abuuro iskaashi lagu wadaagi karo aragtiyo iyo waaya aragnimo badan oo kala duwan.

Xubno ka socda warfaafinta ayaa lagu casuumi doonaa inay kasoo qayb galaan isla markaana tebiyaan dhacdadan oo lagu qabanayo Hoteelka SYL ee Muqdisho.

Ololahan Gaarista Dadwaynaha waxaa hindistey oo holwgelinaysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (MoCA) , iyadoo la kaashataya isla markaana kala tashatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyo Guddiga Muraaqibaynta (OC), waxaana si dhow ula socdey Wasiirrada Dastuuurka ee Maamulladda.

Ololaha oo loogu tala galay waxbarasho dadwayne ahaan, waxaa waxyaabaha lagu soo qaadi doono ka mid ah:

⬧Maqaamka caasimadda Muqdisho⬧ Qaadashada dhalashada⬧ Awood qaybsiga⬧ Wadaagga khayraadka⬧ Nooca cadaalladda ⬧Baarlamanka⬧ Fulinta⬧ Nooca dowladda⬧ Doorashooyinka⬧ Adeegga bulshada⬧ Maaliyadda dadwaynaha ⬧ Federaalka, gobollada iyo degmooyinka

Hadalsame Media