Beesha Caalamka oo war kasoo saartay xaaladda cakiran ee Galmudug, ujeedka

0

(Muqdisho) 29 Jan 2020 – Dalalka la yiraahdo ”Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya” ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay ”werwer” ka qabaan waxyaabaha kasoo cusboonaaday dhismaha maamulka Galmudug, jeer lagu jirey wejiyadii ugu dambeeyay.

Saaxiibada Caalamka ayaa saamileyda siyaasadda Galmudug ugu baaqay inay diiradda saaraan qaabkii loo dhisi lahaa nidaam kasban kara taageero ballaaran, si looga fogaado wax keeni kara kala irdhoobid iyo xasillooni darro siyaasadeed.

“Waxaa loo baahan yahay hannaan loo wada dhan yahay oo ku yimaada wada hadal iyo tanaasul ay sameeyaan dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibada Caalamka waxay garowsan yihiin in dadaallo muhiim ah oo arrintan ku saabsan la sameeyey toddobadii bil ee tagay. Tani waxay sahashay in heshiisyo laga gaaro qeybsashada kuraasta, waxaana bogaadineynaa tanaasulka ay dhammaan dhinacyada u sameeyaan danta Galmudug.”

Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn dhinacyada Galmudug ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii lagu xallin lahaa khilaafyadooda oo ay wada-hadlaan, xitaa haddii ay taasi u baahan tahay in waqti dheeri ah la qaato.

Hadalsame Media