Somalia oo qarka u saaran inay hesho mashaariic qaali ah oo lagu dhisayo kaabayaasha dalka

0

(Washington, DC) 28 Jan 2020 – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in guulo la taaban karo laga gaarey geeddi socodka qaan cafinta Somalia.

IMF ayaa ku dhawaaqday in ay DF Somalia iminka ka gudubtey marxladda 4-aad ee qaan cafinta ee SMP4 oo muhim u ah Somalia.

IMF ayaa arrintaa ku ammaantay Xukuumadda Federaalka Somalia, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, oo aad ugu dadaashey dib u eegista iyo isbeddelka hannaanka dhaqaale ee Somalia iyo guud ahaan hufitaanka maaliyadda oo asaasi u ah qaan cafinta.

Wasiirka maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isaguna soo dhoweeyey warbixinta IMF, wuxuuna sheegay inay taasi muujinayso miradhalka dadaalladii ay muddo soo wadeen.

“Waa tillaabo wayn iyo natiijo muujineysa in inaga oo wadajirna ay naga go’nayd horumarinta maaliyadda dalka, Somalia hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadallada iyo dib-uhabeynta maaliyadda” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Somalia ayaa haddii si buuxda qaamaha looga cafiyo xaq u yeelan doonta inay hesho mashaariic waawayn oo horumarineed oo dib loogu dhisayo kaabayaasha Somalia.

Hadalsame Media