DAAWO: Sucuudiga oo daabacay kitaab Qur’aan ah oo ku tarjuman afka Yuhuudda (Fasiraado la qalloociyey oo ka buuxa)

0

(Qudus) 28 Jan 2020 – Cilmi baare Falastiini ah oo daraasadeeya arrimaha Israel ayaa sheegay in madbacadda Boqor Fahad ama King Fahd Complex, lagu daabacay kitaab Qur’aan ah oo lagu tarjumay afka Cibraaniga, kaasoo ay ku jirto 300 oo khalad, sida uu ku doodayo nin cilmi baare ah.

Cilmi baarahan oo la yiraahdo Calaa Al Diin Axmed ayaa waraysi uu siiyey Shehab News Agency, ayaa sheegay in waxyaabo badan la taxriifiyey.

Waxyaabaha la yaabka leh ee kitaabkan ku qoran sida uu sheegay cilmi baarahan ayaa waxaa ka mid ah in masjidka Al Aqsaa lagu tilmaamay ‘Haykal’ oo af Cirbraaniga ku noqonaysa ”Macbad”, balse aan masjid lagu sheegin.

Waxaa kale oo uu sheegay in laga ilaaliyey ama aan lagu xusin magaca Nabi Muxamed (NNKH) iyo midka Nabi Ciise (CS).

Warkan ah inuu Sucuudigu ku lug leeyahay daabicista kitaabkan, weli kama hadlin nidaamka ka taliya Sucuudiga, lamana hubo xaqiiqanimadiisa oo ma jiraan ilo 3-aad oo xaqiijinaya marka laga reebo cilmi baarahan.

Arrintan ayaa la sheegay in ay tahay aragti ka tarjumaysa inay jiraan dad doonaya inay si ruuxi ah u faafiyaan aragtida Sahyuuniyadda ee qalloocan.

Hadalsame Media