SADARRADA DHEXDOODA: Xiriirka caalamku kuma shaqeeyo ”walaalnimo!!”

0

(Hadalsame) 28 Jan 2020 – Waxaa Casmara markale ku kulmay madaxda kala Abiy Ahmed, RW Itoobiya, Mohamed Abdullahi Farmajo, MW Somalia iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki kuwaasoo la sheegay inay iskugu yimaadeen xoojinta xiriirka Geeska Afrika.

“Waxaan la kulmayaa walaalahay, madaxda Eritrea iyo Somalia. MW Isaias Afwerki, MW Mohammed Abdullahi waxaana ka wada arrinsan doonnaa arrimo badan.” ayuu yiri Abiy Ahmed oo Twitter adeegsanaya. Aahay, ”walaalnimo.”

Dad badan ayaa is waydiinaya waxa ay ka wada hadlaan seddexdan hoggaamiye, waayo maadaama aysan 3-da dalba isku toosnayn waqti xaadirkan haba ugu sii liidato Somalia, waxaa imanaysa su’aasha ah heshiis noocee ah ayaa iman kara sideese loo fulin karaa.

Waxaa kale oo muhim ah in maadaama ay heshiisyada noocan oo kale ihi ay saamaynayaan dhinacyo badan sida siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, bulshada, dhaqan dhaqaalaha iwm, loo baahan yahay inay ka wada hadlaan khubaro aqoon u leh arrimahaasi, waxna la isu miisaamo isla markaana taa lafteeda lagu koobo xilliga ku habboon oo aan haatan joogin.

Waxay dad badani qabaan inay ku toosnaan lahayd in marka hore la isku toosiyo dalka Somalia oo ay raqdeeda coomaadi dul hoganayso, balse heshiis kasta oo waqtigan lala galaa uu u ekaan karo xaalad ka faa’iidaysi iyo ii saxiix.

Caadiyan xiriirrada caalamiga ihi kuma shaqeeyaan ”walaalnimo iyo caadifad”, balse dal kasta wuxuu eeganayaa dantiisa iyo saamayntiisa, marka haddii ay Itoobiya dhab ka tahay walaalnimadu, Somalia haka taageerto inay dal ahaan cageheeda iskugu taagi lahayd, waloow ay isbedello yari dhankaa ka muuqdaanna kuma filla weli.

Madaxda Somalia sida MW Farmaajo waxaa iyagana la gudboon inay iska daayaan dul ka xaadinta xaajo hoosta ka cakiran, ha isku dayaan sidii loo heli lahaa dal leh siyaasad midaysan, qorshe degsan iyo istaraatijiyad caalami ah oo aanu jeebka iskaga qaadan karin kolba siyaasigii yimaada oo marna bari noola orda marna 360 digrii galbeed u wareegaya, taasoo ay dejiyeen khubaro Soomaaliyeed oo ku baraarugsan danaha qaran ee dalka.

Waxaa dhici karta amaba ay u badan tahay inay Itoobiya oo ay ku nool yihiin 100 + milyan oo aan bad lahayn ay labadan dal ee aadka uga dadka yar, siyaasad ahaanna calowsan ay fursad ka gaadayso, taasoo u baahan soo jeed rasmi ah. Xusuuso siyaasadda caalamka ”walaalnimo” kuma shaqayso.

Miyay colaado guun ah oo gu’yaal iyo qarniyaan soo oognaa ku xallismayaan hal maalin oo la isla qadeeyo ama la isla qoslo? Shaki baan ka qabaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media