Gabar yar oo 5-jir ah oo u muuqata in Muqdisho laga soo dafay oo Dhoobley lagu hayo

0

(Dhoobley) 28 Jan 2020 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in halkaa lagu hayo gabar yar oo lagu qiyaasay da’da 5-jirka oo halkaa dayuurad looga reebay.

Gabadha yar ayaa la sheegay inuu gacanta ka hayey nin la socdey dayuurad u socotey Nairobi oo Muqdisho ka timid, isagoo Dhoobley ugu dhiibey nin kale.

”Gabadhii waa wareejiyay, ayuu nin telefoon ugu sheegay kaddibna wuxuu dib ugu cararay dayuuradda.” ayay tiri gabar jaadwale ah oo gabadha kusoo baxay.

Gabadha yar ayaa la sheegay inay haweenayda qaad walaha ah ku ooydey oo ay ka codsatay inuu ka celiyo ninkii lagu wareejiyay oo isaguna markii dambe inkiray inay wax kala dhexeeyaan ninka gabadha keenay, isagoo sheegay inuu kaliya ku yiri ”Iisii qabo waan soo noqonayaaye.”

Waxaan ku maqan nahay oo aannu soo gudbin doonnaa magaca gabadha iyo telefoonka lagala xiriiri karo haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media