Dhacdo NAXDIN leh oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar

0

(Jowhar) 25 Jan 2020 – Magaalada Jowhar, Sh. Dhexe, ayaa waxaa ka dhacday arrin naxdin badan, kaddib markii uu oday halkaa ku nooli uu wiilkiisa xalay goowracey.

Odayga oo lagu magacaabo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim ku gowracay laanta Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee isla magaalada Jowhar.

Wiilka yar ee Ibraahim oo 14 jir uun ahaa, ayaa sababta uu aabihii u diley lagu sheegay isaga oo booqasho ugu tegey Hooyadiis oo ay aabbaha is fureen ama kala tageen, taasoo uu aad uga caroodey.

Wiilka yar ayaa la sheegay inuu isla goobta ku geeriyoodey, waxaana deeto la sheegay inuu Cismaan Ibraahim oo la sheegay in aanu dhimir ahaan fadhin, uu goobta isaga baxsaday.

Waxaa goobta shilka tegey mas’uuliyiin ka socota maamulka HirShabeelle, iyo midka degmada Jowhar.

Taliyaha Booliska Jowhar, Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa laga soo xigtey in aabaha wiilka gowracey ay markii dambe kasoo heleen isagoo ku dhuumaalaysanaya duleedka magaalada, ka gadaal markii ay howlgal sameeyeen ciidamada Booliisku.

Hadalsame Media