YAAB! Shiinaha oo todobaad ku dhisaya isbitaal qaadaya 1,000 sariirood

0

(Wuhan) 25 Jan 2020 – Shaqaale Shiinays ah ayaa bilaabay dhisme deg deg ah oo ay ku taagayaan isbitaal qaada 1,000 sariirood, si loogu dabiibo dadka uu soo ritey caabuqa uu keeno fayruska Coronavirus oo dad badan laayey.

Baldoosarro iyo qodayaal badan ayaa Khamiistii bilaabay dhismaha isbitaalkan oo laga dhisayo magaalada Wuhan, iyadoo lagu taagayo wax aan ka badnayn 7 maalmood oo qura, sida ay sheegtay Reuters, oo xiganaysa Changjiang Daily.

Dhismaha ayaa laga dhisayaa meel ka yara baxsan magaalada oo awal loogu tala galay Dowladda Hoose iyo shaqaalah, iyada oo la adeegsanayo qaybo isku xirxirmaya.

Dhismaha oo ku fadhiisanaya 270,000- cagood oo jibbaaran, ayaa lasoo abyi doonaa 3-da Febraayo, sida ay sheegtay wakaaladda Associated Press.

Jimcihii shalay ahaa oo qura waxaa cudurka Shiinaha ku dhuftay u dhintay 26 qof, waxaana u dhul yaalla ilaa 900 oo kale, tan iyo markii uu cudurkani dillaacay Sanad-bileedka cusub ee Shiinaha oo ay dadku safarro badan galaan, fasaxyada dartood.

Hadalsame Media