Turkiga oo Somalia ballanqaad kale u sameeyay kaddib weerarkii shalay ee Afgooye

0

(Ankara) 19 Jan 2020 – Turkiga ayaa markale ka hadlay weerar xaasidnimo ah oo lagu qaaday injineerro Turkish ah oo dhisaya jidka isku xira Muqdisho-Afgooye oo shalay ka dhacay isla Afgooye, Shabeellaha Hoose.

Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, oo weerarkaa fulaynimada ah ee foosha xun ku cambaareyay lahjadda ugu adag ayaa Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

”Weerarrada argagixiso ee Somalia waxay markale muujinayaan wejiga foosha xun ee argagixisada. Balse weerarradani nagama hor joogsan doonaan la dagaallankooda.” ayuu warkiisa ku bilaabay.

Waxaannu had iyo jeeraale dhinac taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliyeed. Waxaana soo kabasho deg deg ah u rajaynayaa walaaleheenna dhaawacmay, anagoo si dhow ula soconayna xaaladohooda.” ayuu ballan qaaday Wasiirku.

Dad badan ayaa rumaysan in weerarrada noocan ah ee Turkiga oo Somalia wax u dhisaya ay ka dambayn karaan dalal kasoo horjeeda danaha Somalia oo adeegsanaya kooxda Shabaab oo u muuqata mid uu ka lumay hadafkii ay asal ahaan sheegan jireen inay u aasaasmeen, maadaama aanu jirin diin ay ka hor imanayso in jid umadda loo dhiso.

Kooxdan ayaa sidoo kale sheegatay weerar arxan la’aan ah oo 28-kii bishii Diseembar lagu laayey dad rayid ahaa oo 150 gaarayey, kaasoo ay sidoo kale ku andacoodeen inay Turkigan laamiga dhisaya ku weerareen.

Somalia ayaa waxaa jooga hay’aad iyo calooshood u shaqaystayaal shisheeye ah oo dalka ku firirsan, balse waxa muuqata in weerarka ugu darani uu haysto ciddii umadda wax u qabanaysa.

Hadalsame Media