Daalibaan oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la heshiinayso Maraykanka, qorshaha & wada hadallo socda

0

(Dooxa) 19 Jan 2020 – Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay inay Maraykanka la gaari rabaan heshiis rasmi ah dhamaadka bishan isla markaana ay ”yaraynayaan” weerarrada ay qaadaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Hadalka Suhail Shaheen oo u warramay maalinlaha Pakistani-ga ah ee Dawn ayaa imanaya jeer ay todobaadkan magaalada Dooxa ku kulmeen wakiillo ka kala socda Daalibaan iyo diblomaasiyiin Maraykan ah, kaddibna ay ilo kooxdan ku dhowi AFP u sheegeen inay bilaabayaan xabad joojin muddo gaab ah.

“Waxaannu isku raacnay inaan yarayno howgalladeena ciidan, maalmaha ka horreeya xilliga la saxiixayo heshiiskan nabadeed ee aynu la geleeyno Maraykanka,” ayuu Shaheen ku yiri cadadkii Sabtiga ee warqaadka Dawn.

Diblomaasiyiin Maraykan ah oo is qarinaya ayaa sheegay inuu Maraykanku guddoonsadey in 18 sano kaddib aan dagaal oo qura waxba lagu xallin karin, sidaa darteed, ay doonayaan inay heshiis nabadeed dhex dhigaan Dowladda dalkaasi iyo kooxda Daalibaan.

“Hadda maalmo unbaa naga xiga,” ayuu daba dhigay afhayeenka oo rajo ka muujiyay inay markan is fahmi doonaan Washington.

Hadalsame Media