XOG: AC Milan oo qarka u saaran saxiixa Dani Olmo (Laacibka oo aan ka qayb gelaynin ciyaarta kooxdiisa)

0

(Zagreb) 17 Jan 2020 – Wararka ka imanaya dalka Croatia, gaar ahaan warqaadka ciyaaraha ee Sportske Novosti, doonista AC Milan ee laacibka , oo ah da’yar hibo leh oo u safta Dinamo Zagreb, waa mid aad u xooggan.

Milan ayaa doonaysa inay laacibka iminkaba keento xerada Milanello, kooxda Rossoneri aryaa u diyaar ah inay miiska saarto 20 milyan oo euro oo lagu daray 5 milyan oo bareemiyo ah iyo boqolleey ay kooxdiisu ku yeelan doonto haddii mustaqbalka dib loo sii iibiyo.

Wuxuu wargaysku sheegayaa inuu laacibku sanadkii qaadan doono 2.5 milyan oo euro muddo 5 sanadood ah.

Waxaa iminka kaliya la sugayaa go’aanka laacibka oo haddii uu ”haa” yiraahdo isla saacadaha yar ee soo aaddan u dhoofi doona Milano, isagoo aan xitaa ka qaybgeli doonin kulanka saaxiibtinnimo ee ay Dinamo Zagreb la yeelanayso Lokomotiva Zagreb.

Yeelkeede, Sky Sport Italia ayaa faafinaya in ay Milan laacibkan xagaaga uun soo qaadanayso, isagoo soo xiganaya khabiirka suuqa kala iibsiga ee Gianluca Di Marzio.

Waxaa heshiiskan aad u riixaya Svonimir Boban oo ka mid ah maamulka sare ee AC Milan oo xiriir wanaagsan la leh kooxda Dinamo, maadaama uu kasoo jeedo Croatia.

Hadalsame Media