SOMALIA VS ERITREA 99-76: Xulka Somalia oo cashar u dhigay dhiggiisa Eritrea + Sawirro & Muuqaal

0

(Nairobi) 17 Jan 2020 – Xulka Kubadda Kolayga Somalia ayaa guul ka gaarey tartanka Zone 5 oo ka soconaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Somalia oo kulankii hore guuldarro kala soo kulantay dalka South Sudan iyo Kenya, ayaa la kulantay dalka Eritrea oo ay si xarrago leh uga badiyeen 99-76.

Waxaa ciyaartan xulka Somalia oo muujiyay inuu ka xirfad sarreeyo dhiggiisa Eritrea u sacbinayay taageerayaal badan oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.



Hadalsame Media