Seddax dardaaran oo cajiib ah oo uu ka tegey marxuum Farxaan oo maanta lagu toogtey Somaliland

0

(Hargaysa) 15 Jan 2020 – Labo saacadood ka hor intii aan la toogan Farxaan Maxamed Xasan-yare, Wasaardda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa ka reebtay dardaarankan :

1 – Lacgatii la ii uruuriyey ubadkayga ha la siiyo marka laga reebo wixii shareecadu qaybteeda ka siiso.

2 – Ninka la ii haysto ee la ii dilayo ma aan dilin, markhaati igu furayaana ma jiro .

3 – Tolkay waxa aan leeyahay nimankaa dulmiga igu dilay Allaah hortiisa ayaanu ku kulmaynaa iyaga ooo dambigayga xambaarsan ee yaan cid la iga daba gayn.

Dardaarannadaa saddexda ah ayey wasaaraddu u gudbisay Sh.Cumar-soodaani Axmed Maxamuud oo ka mid ah culimada magaalada Buuhoodle.

Xigasho: Aadan Yuusuf Yoonis

Hadalsame Media