Dayuuradihii caalamiga ahaa oo gegada Cigaal uga cabsanaya hal arrin (Dhib kaas la mid ah oo kan Muqdisho ka jira, balse…)

0

(Hargaysa) 15 Jan 2020 – Flydubai, oo ay iska leedahay Dowladda Imaaraadku, ayaa laba jeer oo xiriir ah ku guuldarraysatay inay ku degto Garoonka Cigaal ee ku yaalla Hargaysa.

Rakaab saarnaa dayuuradda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in intii u dhaxaysey 11-12 Jannaayo ay dayuuraddani dib ugu noqonaysey dalka Dubai, iyadoo sii maraysa Jabuuti.

Waxaa dheer in Ethiopian Airlines ay lafteedu kansashay duullimaadyo ay ku tegi lahayd isla garoonka Cigaal, cimilada oo xun darteed.

HOL ayaa ogaatey in gegada Cigaal aanay lahayn qalabka loo yaqaanno Instrument Approach sida Instrument Landing System (ILS) ama hannaanka VOR Approach oo dayuuradaha ka caawiya inay degaan xilliyada ay aragtida dhulku xun tahay sida marka ay jirto ceeyryaamada, qiiqa ama uu roob badani da’ayo.

Haddii tusaale ahaan aanu garoonku lahayn agabka ILS, waxay dayuuraduhu baylah u yihiin shilal ay galaan xilliyada degitaanka.

Tan kale, gegada Cigaal ayaa ah mid aad u sarreeysa ilaa 4437 cagood marka lagu cabiro badda, waxayna taasi kordhinaysaa dhibaatooyinka aragti xumada dhulka.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaan laftiisu lahayn agabka ILS, balse wuxuu ku baxsanayaa isaga oo ku yaalla dhul aad u hooseeya, tusaale, Muqdisho waxay badda ka sarraysaa 30 cagood oo qura.

Warka degitaan la’aanta ayaa imanaya maalmo yar uun kaddib markii xabsiga loo taxaabay weriye Cabdulqaadir Casayr oo ka tirsan Horncabe, kaasoo lagu eedeeyay ”inuu meel uga dhacay sumcadda isla garoonkan” kaddib markii uu faafiyey sheeko ku saabsan badbaado xumo ay garoonkan ka sheegatay Fly Dubai.

Arrimahan ayaa muujinaya in ay maamullada Somalia ka jira kaliya sugaan wax deeq lagu siiyo, balse aanay marna isku dayin inay dayac-tiraan meelaha ay ka helaan lacagaha ugu badan.

Hadalsame Media