DEG DEG: Qarax wayn oo ka dhacay dalka Spain & dadka oo lagu amray inay guryaha joogaan (Daawo)

0

(Catalonia) 14 Jan 2020 – Dab aad u wayn ayaa ka dillaacay qarax ka dhacay wershad kiimikaad oo ku taalla magaalada Tarragona, ee dalkaasi Spain.

Sida ay ku warramayso Hay’adda Difaaca Madaniga ee gobolka Catalonia, waxaa dadwaynaha loo sheegay inaysan guryohooda kasoo bixin, ilaa inta laga go’aaminyo xadka qaraxa.

Qaraxa 1-aad iyo holac sidii kubbad u duuban oo ka dhashay ayay kaamirooyinku qabteen.

Weli lama oga haddii uu dhaawac jiro, balse dhimasho lama sheegin, iyadoo ay wershaddu ku taallo inta u dhaxaysa Bonavista iyo La Canonja.

Hadalsame Media