Turkiga oo fikrad looga faa’iidaysan karo u keenay geela lagu laynayo Australia

0

(Istanbul) 13 Jan 2020 – Turkiga ayaa ayaa raadinaya qaab uu ku badbaadin karo geela lagu laynayo koonfurta dalka Australia halkaasoo la sheegay inuu geelo dadka biyihii ku ciriiriyey.

Guddoomiye Xigeenka hay’ad samafal oo Istanbul saldhigata oo la yiraahdo Humanitarian Relief Foundation (İHH), Serkan Nergis, ayaa sheegay in uu la xiriirey uu xiriir la sameeyay Australia si looga arrinsado waxa arrintan laga yeeli karo.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ay ka fikirayaan ay ka mid tahay in haddii laga fursan waayo laynta geelaasi ugu yaraan “hilbihiisa loo qaybiyo dadka baahan.”

Kumannaan geel ah oo ku sugan Anangu Pitjantjatjara Yankunytjatjara (APY) ee Koonfurta Australia, ayaa layn lagu bilaabay iyadoo la adeegsanayo qannaasyo kasoo tooganaya dayuuradaha qumaatiga u kaca.

Hadalsame Media