”Waa inaan is bahaysannaa!” – Israel oo muujisay inay is fahmeen dalalka Khaliijka (Tillaabo ay ku baaqday)

0

(Tel Aviv) 13 Jan 2020 – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Israel, Ayoob Kara, ayaa dalalka Khaliijka ugu baaqay inay ”iskaashi” dhaqaale iyo mid amaan la galaan Israel, si buu yiri aannu u wada wajahno dalka Iiraan, sida lagu qoray Shehab News Agency.

Kara, oo aad ugu dhow RW Benjamin Netanyahu, oo uu olog siyaasadeed la yahay ayaa Twitter kusoo qoray in ”iskaashigan cusub” loo baahan yahay inuu yeesho xoog ku filan si uu u wajoho wax uu ku sheegay ”sharta Iiraan.”

Tweet-kan ayaa yimi kaddib markii ay Iiraan ku gooddisey in haddii uu Maraykanku duqeeyo aysan nabad ku daaqi doonin magaalooyinka Israel iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaa la gaarey xilligii ay dalalka Khaliijka iyo Israel ay isu iman lahaayeen oo ay samaysan lahaayeen iskaashiyo dhaqaale iyo kuwo amaan si ay ugu istaagaan halista Iiraan ee Bariga Dhexe.” ayuu soo qoray.

Waxaa la fahamsan yahay in duwalka Khaliijku ay muddo dheerba si aan toos ahayn xiriir ula lahaayeen dalka Israel, balse ay qarinayeen.

Hadalsame Media