DEG DEG: Iiraan oo qiratay inay iyadu soo riddey dayuuraddii Ukraine

0

(Tehraan) 11 Jan 2020 – Iiraan ayaa iminka si rasmi ah u qiratay inay ciidamadeedu ay ”si aan ku tala gal ahayn” usoo rideen dayuuraddii Ukraine ee ay ku dhinteen 176 qofood oo u badnaa Iiraaniyiin kala haysta dhalashooyin caalami ah.

Iiraan ayaa warka ayaa soo saartay ku sheegtay inuu dhacay “khalad bini aadmi” oo sababay inay soo ridaan dayuuraddan oo ahayd Boeing 737 oo ay lahayd Ukrainian International Airlines, taasoo ku dhacday afaafka Tehraan in yar uun kaddib markii uu duushay, xilli ay Iiraan gantaallo ku hoobinaysey ciidamo Maraykan ah oo ku sugan Ciraaq.

Iiraan ayaa dhowr maalmood oo hore dafireysey inay soo riddey dayuuraddan, balse Maraykanka iyo Canada oo soo xiganayey ilo sirdoon ayaa horay u sheegay inay Iiraan dayuuraddan gantaal ku dhufatay.

Dayuuraddan oo sii mari lahayd Kiev ayaa siddey dad ay ugu badnaayeen 82 Iiraaniyiin ah, 63 Canadian ah, 11 Ukraine ah iyo 10 Swedish ah, balse dadku guud ahaan waxay u badan yihiin asal Iiraani.

Hadalsame Media