Barnaamijka Gungaar wuxuu muujiyay ilka la’aanta & habacsanaanta Sirdoonka Qaranka (6 eedood oo ku cad hannaanka amaan ee DF Somalia)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2020 – Markii aan daawaday Barnaamijka Gungaar, dhowr jeer ereyga sirdoon waa ka dhex maqlay, laakiin hal shaqo oo uu sirdoon qabtay muuqaalkan kuma jirto, marka laga reebo xaruntooda oo lagu waraysanyay, Booliiska uunba waddooyinka ku qabqabtay dilaayaashan weligoodna waa baxsan jireen dhagxaantaa celisay weligood sirdoon sooma qaban mana soo qabteen.

Cabdicasiis Maxamed Guuleed, waa mahadsantahay barnamijkaaga Gungaar waa dhagaystay shaqo badanna waa gelisay, wajibkaaga wariyenimo waa kasoo baxday, balse barnaamijkan wuxuu iftiiminayaa waxa aad ugu tala gasheen mid ka duwan taasoo ah meesha ”inuusan jirin DHARCAD ka hortaga khataraha la maleego,” marka laga soo tago in aad wareysataan dilaa lagusoo qabtay howlgal uu ku fashilmay, waxaase la idinka sugaayay idinka gaar ahaan, sirdoonka inaad soo qabataan kuwa dil u socday, kuwa wax dilay oo fakaday inaad daba gashaan oo aad magaaladooda iyagoo isaga jira soo qabataan, mana ku cadda muuqaalkaan aad soo bandhigteen.

Daawasho kadib Barnaamijkan waxan ka fahmay:

1 – Waxaan ku ogaadey dadkan badankood inay yihiin kuwa qof dilay oo ka baxsan waayay jidadka oo xiran awgeed kadibna ciidanka Booliisku ay wadada ka qabteen, balse ma jirto cid ka war qabtay ama daba socotey inay raggani cid soo dileen, balse hubkooda iyo orodka unbaa lagu fahmay.

Weligood sidaas ayay dadka u dili jireen waaka daaleen dad diloow markaan taxadar badan iyagoo aan qabin ayay hawlgal sameyeen sida hadalkooga ka muuqata, waxaana sabab u ah in uusan sirdoon kashifi karaa jirin shirqoolladan rakhiiska ah oo lagu dilaayo jananno, saraakiil iyo dad muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

2 – Argagixisada aan la dagaallamayno waa kuwa kujira meel kasta weliba waa dadka ka shaqeeya meelo muhiima u ah bulshada, maadama dhaqaalo fiican la siiyo waxa ay isku boojeeyaan shaqooyin bulshada dhex gelin kara, Dowladduna ma qabto sirdoon ugu dhex jira bulshada qaybaheeda kala duwan kaliya xafiisyo iyo gawaari hub saaranyahy ayaa loo fahmey shaqadii sirdioonka.

3 – Haddaad daawatay warbixintaan waxad ka dhex fahmi kartaa dadka qaarkii cabsi inay u geeysay shaqadaan sababtoo ah wixi loosoo bandhigo maba diidi karo qofka oo shuruud ayaa daba socata Shabaab warkooda, taasina waxa sabab u ah laamaha amaanka ee arinkan lala wadaagi lahaa ayaan shaqaynin amaba jirin, qofka aad sheegtana inta la soo daayo ayuu beri ku dilayaa, sidaad warbixintaan gudaheeda ku daawatay dilaa lasoo xiray ayuu aabahii soo dayay isaguna Shabaab inuu xabsiga ka soo daayay warkiisay ka muuqataa dowladduna markii hore cidiii daysay ma soo xirin kumana soo darin warbixintaan maadama uu qirtay xiligaas inuu ahaa Shabaab,…… (dadku ciyaal maaha caqli ahaan, khaladka aad saxda nooga dhigeesaan waa idinka aqoon darro).

4 – Qof kasta ee la dilay waxaa laga hagay telefoon ma jiro cid dabakacaysa telfoonnadii ugu dambeeyey ee marxuumka soo wacay, qofka agtaada joogay ee telefoon ku hadlay cid baaraysa malahan, Alshabaab aa dilay ayaa lagu soo koobaa, taasina waxay na tusaysaa inuusan jirin sirdoon soo qabqabta dadka joogay aagga dilku ka dhacay xogna aan ka baarin telefoonnada iyo guryaha dadka ka ag dhowaa goobta.

5 – Waxa kaloo meesha iga soo baxay Facebook dad badan oo an sawiradada u saarnayn qaarkood inay kamid yihiin kooxda dadka laayso dabagal iyo xogtooda in lasoo helo ayay kasii baaraan dageen,

6 – Dumarka shirqoolkooga iyaduna waa halis balsa dowlada iyadu kaartadaas maxay dumarka ugu adeegsan wayday, rag badan ayaa la qaban kari lahaaye? Sirdoonka dowlada ma qabsab baa inu xafiis fadhiyo bir iyo ciidan wato maxa diidaaya dadka nolosha hoose in la adeegsado sida argagixisada sameeyso,

Su’aal: Dadkaan aad waraysanayso qoysaskooda, guryahooda iyo taariikhdooda nololeed inaad dadka usoo bandhigto ayay ahayd si bulshadu uga taxadaraan?

Iskusoo wada duuboo dharka Soomaaliya ee isbedbedelka badan amaankiisa cid sugi karta majirto waana sababta AMISOM madaxda u ilaaliso dalkana usii joogi doonto.

Sirdoonka bulshada ayuu ka tirsan yahay ee xafiis iyo gaari kuma socdo.

meeqa sano oo kale ayuu sirdoon noocaana sheegan doonaa shaqo xumadan uu ku faanaayo maanta, meeqa sano ayaan sirdoon nocaan dal kusii aamini karnaa?

W; Q: Kamaal Xasan

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media