NAQDIN: Maxay tahay danta ay Warbaahinta Dowladdu ka leedahay barnaamijyadan iidhehda u samaynaya Al Shabaab?!

0

(Hadalsame) 10 Jan 2020 – Waxaan daawawaday muuqaal 48 daqiiqadood soconaya oo lagu magacaabay Gungaar. Muuqaalka waxaa hor iyo gadaalba dhextaal u ahaa nin lagu sheegau dilaa Shabaab ah oo dilay dad Soomaaliyeed oo aad u badan.

Barnaamijku waxa uu tabinayaa sidii ninkaasi dadka u dili jiray, halkii uu ku dilay dadkaas, sawirrada marxuumiintii uu dilay iyo waxyaabo kale. Ninka dilaaga ahi waxa uu fadhiyaa meel fadhi wanaagsan, kursi ayuu si deggan ugu fadhiyaa, wax murugo ama cabsi ahi kama muuqato, inta uu hadlayana wariyuhu hal su’aal waydiimayo. Tusaale ahaan marka uu dilaagu ka sheekaynayo dadka uu dilayo wariyuhu waydiiyan sababta uu dadkaas u dilay iyo waxa ay ka bi’iyeen.

Sidoo kale ma waydiinayo sida uu dareemo nafsi ahaan marka uu qofka aan waxba ka galabsan ee aanu xitaa mararka qaar aqoonin dilo, sida uu habeenkii u seexdo, inuu qarwo iwm.

Waxaa muuqaalka lagu baahiyay sawirro dilayaan kale, la ma se sheegin boliiska iyo hay’adaha amnigu dadka sawirradooda baahiyeen iyo barnaamijka un lagu baahiyay, waayo haddii dadkaas aysan hay’adaha amnigu sawirradooda horay u baahin ayaga oo dadweynaha ka codsanaya in soo qabashadooda lagu gacan siiyo, waxaa markaas dambi ah in muuqbaahiye laga soo daayo sawirka dambile ciidanku raadinayaan.

Barnaamijku waxa uu dadweynaha u sheegayaa ama tusayaa awoodda Shabaab iyo sida ay qofkay doonaan u dili karaan iyo daciifnimada ciidanka ammaanka iyo sirdoonka. Taasima ma ahan sax. Sidoo kale wariyuhu waxa uu sheegay in ninka dilaaga ah horay loo qabtay balse la siidaayay. Waxaa muuqaalka ka soo muuqanaya dilaaga aabbihii oo sheegaya qaabkii lagu xiray wiilkiisa balse aan sheegay sababta loo sii daayay iyo cidda sii daysay. Wariyuhu ma sheegaya ama raqdinayo jawaabtaas culus ee “yaa sii daayay dilaaga?”

Gebi ahaanba muuqaalku waxa uu u egyahay mid Shabaab borabagaando u ah shacabkana cabsi gelinaya.

Ilaa hadda waxa aan iswaydiinayaa maxay ahayd u jeeddada wariyaha iyo madaxda Warbaahinta Qaranku u doorteen siidaynta barnaamijkaas?

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media