QISADII SAC CADDE: Sucuudiga & Carabta Khaliijka oo Saddaam Xuseen TEBEY!

0

(Hadalsame) 06 Jan 2020 – Sacuudiga oo Saddaam u darsaday. Iran oo ah doowlada shiico ah oo aad u neceb dadka muslimiinta Suniga ah islamarkaana ka xun maamulka Suniyiinta ee dhulka barakeysan waxaa iyada iyo sacuudiga darbi adag u ahaa oo aan sahal lagu dhaafi karin doowladii suniga ee Sadaam Xuseen.

Maanta ciraaq ma ahan jamhuuriyadii suniga maamulayay oo shiicada ayaa awood xoog leh ku leh.

Meydka janankii Iran oo ay mareykanku dileen isaga oo dusha laga huwiyay naxashkiisa calanka ciraaq ayaa la geeyay Iran.

Baarlamaankii Ciraaq wuxuu go,aamiyay in mareykanku ka baxa ciraaq sababo lala xiriirinayo dilka janankii laayay in ka badan nus malyuun muslimiin suni ah .

Janankii hal maalin afar boqol oo caruur u badan ku dilay magaalada Xalab ee Suuriya .

Janankii dhulka suniyiinta ciraaq ka dhigay waadiyo dhiig ah.

Ciraaq iyo Iiraan hada waxay u muuqdaan hal dal waana wixii shiicadu mudo ku taameysay.

Sacuudigu wuxuu xuduud la leeyahay Ciraaq oo hada ah dhulkii shiicada ayna joogaan maleeshiyo shiico ah iyo ciidanka Iiraan oo wixii ay doonaan ka fuliya.

Dhanka yemen oo Sacuudiga xuduud la leh waxaa jooga xuutiyiinta shiicada ah ee Iiraan ay gacanta siiso kuwaas oo dharaar cad duqeeyay Riyad xarunta sacuudiga.

Xulufada Sacuudiga ee khaliijka markii Sadam ciid arafo la daldalay waa ay qoslayeen waxayna qeyb weyn ka qaateen duulaankii Ciraaq lagu burburiyay.

Sacuudiga wasiirkooda arimaha dibadda wuxuu maanta sheegay hadal calaacal u muuqda kaas oo ah waxaan rajeneynaa in aanay xiisada Iraan iyo Mareykanka u dhaxeysa sii xumaan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media