Ruushka oo burburinaya gantaal aad looga baqo oo ”Shaydaan” lagu naanayso! (Sababta?)

0

(Moscow) 06 Jan 2020 – Russia ayaa lagu wadaa inay kala furto gantaallo ay samaysatay waayihii Soofiyeetka oo ah nooca qaaradaha iskaga tillaaba ee baalistigga – kaasoo weli loo arki midka ugu xooggan dunida – sanadkan 2020.

Gantaalkan oo la yiraahdo R-36M2 ICBMs isla markaana ay NATO u taqaanno SS-18 Shaydaan, ayaa haatan ku xaraysan kayd ku yaalla agagaarka buuralayda Ural.

Gantaalahan oo uu midkiiba cufkiisa qalalani yahay 52 tan – ayaa lakala furfurayaa, maadaama uu gabow yahay, kana kooban yahay waxyaabo badan oo qiime leh.

Tusaale ahaan gantaal kasta oo ah noocan ‘Satan’ loo yaqaanno wuxuu ka kooban yahay ugu yaraan 1.2kg oo dahab ah, ilaa 19 kg oo qalin ah, dhowr garaam oo curiyaha platinum ah iyo ku dhowaad 6 tan oo bir ah iyo 20 tan oo ah birta aan feerada ahayn.

Inta kale waa qarshooyin, balaastiig iyo walxo kale oo dib u cusboonaysiin lagu samayn doono, qaarkii laga maarmana la xoori doono.

Heshiiska furfurista gantaalahan oo 2 xabbo ah ayaa qayb ka ah heshiiska Yaraynta Hubka Istaraatijiga ah, oo ah heshiiska qura ee weli taagan ee yaraynta hubka ah, kaasoo dhacaya 2021, tiiyoo ay Moscow dhowr mar Washington kusoo qaadday in la kordhiyo, uu Maraykanku caga jiid ka muujiyey.

Hadalsame Media