Dooddii badda ee Somalia-Kenya oo dib u bilaabatay & khubaro ka hadashay sida ay u arkaan ”xalka ugu fiican”

0

(Nairobi) 06 Jan 2020 – Xiriika Somalia iyo Kenya ayaa markale tijaabo gelaya sanadka 2020, taasoo ku xiran hadba wixii kasoo baxa Maxkamadda ICJ oo garta ugu dambaysa qaadaysa bisha Juun.

Jeer ay Muqdisho iyo Nairobi u muuqdaan kuwo woxoogaa xiriirkooda feereeyay bilihii dambe, khubarada wax falanqaysa ayaa qabta inay wax kastaahi ku xirnaan doonaan go’aanka bisha Juun.

Dr Ben Sihanya, oo Sharciga Kenya ka dhiga Jaamacadda University of Nairobi, ayaa sheegay in xal siyaasadeed uu yahay dookha ku habboon labada dal, maadaama aanay Maxkamaddu soo saari doonin xukun ku dhisan xeer jajab ”Sulaymaani ah” oo qof kasta ka farxinaya, balse ay hal dhan uun wax u xugminayso, sida uu u sheegay The EastAfrican.

Wuxuu sheegay in xaaladda ay uga sii darayaan gacmo 3-aad sida dalal Khaliijka iyo kuwa reer Galbeed ah oo dhinacyada la kala safan si ay danohooda u gaaraan.

“Waxa meesha yaallaa aad bay muhim u yihiin, mana aha Somalia iyo Kenya oo qura ee waa sidoo kale dhinacyada kale ee danaynaya khayraadka aadka u ballaaraan ee saliid, gaas iyo macdanba leh ee meesha ceegaaga,” ayuu yiri Dr Sihanya.

Dr Abdiwahab Sheikh Abdisamad,  oo ah madaxa Southlink Consultants ee Nairobi isla markaana u dhuun daloola arrimaha Geeska ayaa sheegay in xukunka ICJ aanu khilaafka dhamayn doonin, balse uu sii xumayn karo xiriirka labada dhinac sida uu qabo.

“Waxaa dhici karta in Kenya iyo Somalia ay labaduba ku khasaaraan geeddi socodka dacwaddan, waayo midna wuxuu u arkaa inuu jiritaankiisa halis ku jiro oo haddii saliid iyo gaasba la iska daayo ay waayayso qaybta ay ku leedahay Badwaynta Hindiya,” ayuu yiri.

“Somalia waxay iyaduna aaminsan tahay in ay danteedu ku jirto Xeerka Caalamiga ah, iyadoo ay dabada ka riixayaan dareemo waddaniyadeed oo dal iyo dibed laga shidayo iyo hay’aad caalami ah oo dano ballaaran leh,” ayuu daba dhigay.

Dr Abdisamad ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ICJ, oo aan caadiyan ka noqosho iyo rafcaan lahayn, aan badanaa la raacin, haatanna aysan jirin damaanad ku aaddan inay labada dhinacba aqbali doonaan wixii ay xugmiso.

Kenya ayaa doonaysa in qaab xeer jajab ah lagu kala boxo, iyadoo og inaysan sharci ku taagnayn, halka Somalia lafteeda ay dadka qaar usoo jeediyeen inay ugu yaraan la timaado siyaasad arrintan lug jiidi karta ilaa inta laga helayo Somalia cagaheeda ku taagan, haddii kale ay ku khasban tahay xeer jajabka ay Kenya doonayso.

Hadalsame Media