”Bixi mayno!” – Maraykanka oo Ciraaq ugu hanjabey cunaqatayn culus haddii ciidamadiisa dalkaa laga cayriyo!!

0

(Washington, DC) 06 Jan 2020 – Maraykanka ayaa Ciraaq ugu gooddiyey cunaqabatayn aan nooceeda horay loo arag, taasoo xitaa ka daran midda Iiraan haddii ay isku daydo inay dalkeeda ka saarto Ciidamada Maraykanka.

Maraykanka ayaa woxoogaa ku af gobaadsanaya in Ciraaq laga doonayo inay bixiso kharashkii ku baxay saldigga cireed ee uu deggan yahay, sida uu sheegay Donald Trump.

“Waxaannu halkaa ka dhisnay saldhig qaali ah oo aan ku bixinnay balaayiin doollar, marka waa inay kharashkeennii noo celiyaan haddii aan baxayno,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha la saaran Air Force One.

“Haddii ay na waydiistaan in aanu ku baxno si aan saaxiibnimo lahayn, waxaannu saaraynaa cunaqabatayn aysan abid arag, oo midda Iiraan ka dhigaysa wax aad u sahlan.” ayuu daba dhigay Trump.

Digniinka Trump ayaa imanaysa kaddib markii ay xildhibaannada Baarlamanka Ciraaq ay u codeeyeen qaraar aan sharci noqonaynin (non-binding) oo DF Ciraaq waydiisanaya inay dalkeeda ka cayriso ciidamada Maraykanka, kaasoo loo fahmey tillaabo gacan ka dhirbaaxid ah oo lagu dejinayo shucuurta Shiicada Ciraaq.

Tillaabadan ayaa muujinaysa inuu Maraykanku isu sii bedeleyo sidii gumaysi cusub oo toos ah, taasoo bedelaysa siyaasaddii hore ee ku dhisnayd dhuumasho dhabarku muuqdey.

Hadalsame Media