”XAAFOOW, Galmudug ila-meerayso intan ka badan uma dulqaadan karto!” – Mahad Salaad

0

(Hadalsame) 04 Jan 2020 -Axmed Ducaale Xaaf oo mar ahaa MW maamulka muranka ka bixi la’ ee Galmudug ayaa muddaba wuxuu wadaa warqado dukhul daakhul ah oo ay dadku la yaabban yihiin, isagoo mar hore sheegay inuu ”wakaaladdii Galmudug ku celiyey Wasaarad Gudeedka DF Somalia”, taasoo lafteedu sharci darro ahayd, maadaama aanu lahayn awood dastuuri ah oo taa u fasaxaysa Baarlaman la’aantii, kaasoo laftiisu mar hore kala tegey.

Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada ugu afka dheer ayaa qoraal yar oo uu bartiisa soo dhigay arrintan kusoo qaaday, isagoo yiri: ”GALMUDUG ila meerayso lagu danaysanayo intaan ka badan uma dulqaadan karto!

”Wiil Waal ayaa hada kahor gabar la dhalatay shirqool u dhigtay. Marka waxaa lagula balamay markii ay aragto isaga oo dagan in ay kor u sheegto eray afgarasho ah si gaadmo loogu dilo. Kadibna inta ku fahmay gabadhii afgarashadii ay bixisay ayuu qalabkiisii dagaalka degdeg dhulka inta uga haabtay ku yiri gabadhii NAAYAA MAXAA DIBIGA NAASA ADAG IYO WEEDHA KULMIYAY!

”Haddaba, waxaa in la iswaydiiyo mudan waxa isku soo beegay imaanshaha Madaxweyne Xaaf magaalada Gaalkacyo, Guddiga xalay saqdii dhaxe uu magacaabay iyo laxowga cusub ee Galmudug ka soo galay 6 bilood kadib markii xilkiisii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ee looga hakiyay lacagtii Galmudug ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sida shaqsiga ah ay u isticmaalayeen isaga iyo saaxiibadiis?

”Madaxweyne Xaaf markii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha xilkii reer Galmudug ay u dhiibteen ayuu ka tanaasulay mas’uuliyadii uu Galmudug u hayay. Xilka laguu doortana waa dhiibay in aad dhahdo waxay la mid tahay adiga oo iska casilay. Marka Galmudug mas’uuliyad hadda uma haysid ee hadii han siyaasadeed kaaga jiro tartanka soo gal abtiyow.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media