Israel oo cabsi wadnuhu la caddaaday! (Tillaabooyin ay qaadday)

0

(Tel Aviv) 03 Jan 2010 – Israel ayaa Ciidamadeeda heegan sare gelisey jeer uu RW Benjamin Netanyahu uu soo jaray booqasho uu ku joogey dalka Giriigga kaddib khaarajintii Qaasim Sulaymaani oo keentay inay Iiraan ku gooddiso inay aar gudan doonto.

Israel, oo ah ologga ugu dhow Maraykanka ee gobolka Bariga Dhexe in badanna u ololaysa weerar Iiraan lagu qaado oo aysan la gabban, ayaa soo dhowaysey weerarka khaarajinta ah oo sidoo kale lagu diley Abu Mahdi al-Muhandis.

Wasiirka Gaashaandhigga Yuhuudda, Naftali Bennett oo la kulmay madaxda Millateriga iyo kuwa Sirdoonka Qaranka si “xaaladda loo qiimeeyo” ayaa ka dhawaajiyay soo noqoshada RW.

Israel ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan, iyadoo Golaha Wasiirrada xukuumadda Netanyahu lagu wargeliyay inaysan arrintan ka hadlin, iyagoo ka cabsanaya weerar uga yimaada ururrada Hezbollah, iyo kuwa Falastiin ee Xamaas iyo Islamic Jihad, oo soo qaadi kara weerarro wakaaladeed.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo saraakiisha sirdoonka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Yuhuudda ee caalamka heegan sare geliyaan si ay u taxaddaraan.

“Sida ay Israel xaq ugu leedahay inay is difaacdo ayuu Maraykankuna xaq ugu leeyahay” ayuu mar dambe yiri Netanyahu waloow Wasiirrada lagu amray inay arrinta ka aamusaan.

Hadalsame Media