”Ma ogolin dagaal Iiraan!” – Ilhaan Cumar oo bilowday olole ka dhan ah tillaabada Trump

0

(Washington, DC) 04 Jan 2020 – Xildhibaanadda Maraykan-Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Wakiillada Koongarayska ayaa ka mid noqotay Dimoqraadiyiinta aadka uga horjeeda dagaal lagu qaado Iiraan.

Ilhaan Cumar oo Koongarayska ku metesha gobolka woqooyiga Maraykanka ku yaalla ee Minnesota oo soo bandhigtay codsi elektaroonig ah oo la saxiixayo si dagaal dhaca loo baajiyo ayaa Twitter-ka sidan kusoo qortay:

”Ka bad badin ma aha haddii lagu celceliyo sida uu dagaalkani halis u yahay” ayay ku bilowday Ilhaan Cumar.

”Waxaan u baahan nahay cod kasta si aan Koongarayska uga dalbanno inuu Trump ka hor istaago bilowga dagaal musiibo ah oo lala galo Iiraan.” ayay raacisay.

Labada Aqal ee Koongarayska Maraykanka oo ay dhanka Senetka ku xooggan yihiin Jamhuurigu, kan Wakiilladana ay ku xooggan yihiin Dimoqraadiga ayaa keentay inay aragtiyo is khilaafsan ka qaataan weerarkii lagu khaarajiyay Qaasim Sulaymaani.

Hadalsame Media