DHACDO UGUB AH: Ciidamada Maraykanka & kuwa Ruushka oo FEER iskala daaley (Sababta & cidda la jilciyey?!)

0

(Tal Tamr) 04 Jan 2020 – Qaar badan oo ka tirsan askarta Ruushanka ayaa la sheegay in feer lagala daaley oo si xun loo garaaacay kaddib markii ay gacanta isula tageen kuwa Maraykanka ee ay wada joogaan Suuriya, todobaadkii tegey.

Sida ay sheegtay hay’adda Xuquuqul Insaanka Suuriya ee Britain saldhigata, wuxuu shilkani 25-kii Diseembar ka dhacay Tal Tamr oo ka tirsan gobolka Al-Hasakah ee woqooyi bari Suuriya.

Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay yimaadeen meel ay joogeen kuwa Ruushku, isagoo xog raadis ah, waxaana deeto bilowday muran ku aaddan inuu Maraykanku dagay ciidamada Ruushka, kaddib markii ay aagga uga bexeen kuwa Ruushka bishii Oktoobar, sidaasoo uu amray Donald Trump.

Sida ku qoran dhacay, markii ay dooddu dheer dheeraatay ayay sheekadu xumaatay oo gaartey jeer feer la isku bilaabay oo goomanka la iska garaaco.

Wax hub ah lama adeegsan oo qoryihii waa la dhigtay. Yeelkeede, xogta la dusiyay waxay sheegaysaa in loo xoog sheegtay askarta Ruushanka oo 3 ka mid ihi ay u baahdeen gargaar caafimaad oo deg deg ah.

Sida ku qoran warqaadka Ruushanka ah ee Military Review, warbaahinta Israel ayaa arrintan lafteedu buun buunisay, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku ay xitaa inkirtay inuu shilkani dhacayba iyadoo ku tilmaantay ”been abuur birimo tiibbo ah.”

Hadalsame Media