Imaaraadka oo bilaabay inuu NUKLIYEER samaysto & baaris lala daba galay! (Ma malayn kartid inta jeer ee la baaray)

0

(Al Dhafra) 04 Jan 2020 – Wershadda Nukliyeerka ee Barakah Nuclear Energy Plant, ee ku taalla Al Dhafra, ayaa waxaa 40 jeer baaris ku sameeyay khubaro ka socota hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka (IAEA), sida uu kashifay Hamad Al Kaabi, oo Imaaraadka u fadhiya hay’addaasi.

Al Kaabi ayaa sheegay in IAEA iyo Jamciyadda Caalamiga ah ee Wershadaha Nukliyeerka (WANO) ay baarista u sameeyeen si ay u hubiyaan inay wershaddu raacday xeerarka u degsan nukliyeerka rayidka iyo midka maxalliga ah ee Imaaraadka ee Federal Authority for Nuclear Regulation (FANR).

Warbixin la marsiiyay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayuu Al Kaabi ku yiri: “Waxaa Imaaraadka ka go’an ilaalinta sharcigii nukliyeerka ee 2008-dii ee ku saabsanaa daah-furnaanta, badbaadada, amaanka iyo dhowrista cahdiyada caalamiga ah ee nukliyeerka nabadeed.”

Wershaddan oo ay ku baxayso $25 bilyan oo doollar (AED91bilyan oo dirham), waa tii ugu horreeysey ee Imaaraadka laga taago waxaana la bilaabay 2011-kii.

Wershaddan oo ku qalabaysan ilaa 4 curiye oo ah nooca APR1400, ayaa guud ahaan soo saari karta 5,600MW, taasoo 25% ka noqonaysa baahida koronto ee Imaaraadka marka la howlgeliyo.

Waxay sidaa Imaaraadka uga badbaadinaysaa 21 milyan oo tan oo diqow ah oo hawada ku butaaci lahaa sanadkiiba, taasoo la eg 3.2 milyan oo gaari oo la xareeyay.

Hadalsame Media