Imisa dal ayuu Maraykanku farageliyay tan iyo 1945-kii? (Somalia oo ka mid ah dalalka ugu badan)

0

(Hadalsame) 04 Jan 2020 – Waxaa habeen hore dhacay weerar khaarajin ah oo lagu bartilmaameedsaday nin lagu khaarajiyay nin lagu tilmaamay kal 2-aad ee ugu awood badnaa dalka Iiraan.

Dilka Qaasim Sulaymaani ayaa soo jiitey indhaha caalamka, iyadoo ay xitaa aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Maraykanka qaar badan oo ka tirsani qireen inuu Maraykanku ka gudbey khadkii casaa, isla markaana uu dagaal daba dheeri bilaambi karo.

Waxaa kale oo arrintan weji foolxun usii yeelaysa halka uu weerarku ka dhacay oo ah bannaanka Garoonka Dayuuradaha Baqdaad, taasoo ah ku tumashada amaanka iyo madax bannaanida Ciraaq.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa faragelinnada caalamiga ah ee uu Maraykanku samaynayay tan iyo 1945-kii.

Dalalka faragelinta ugu badan lagu sameeyay ee lagu soo laabtay ugu yaraan 2 goor, waxaa ka mid ah dalkeenna Somalia oo la farageliyay 1992-kii iyo markale 2006-dii, taa dambe weli waa socotaa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africom oo la yiraahdo Alexander Laskaris, ayaa sheegay in ujeedka Maraykanku aanu ahayn in laga takhaluso kooxda Al Shabaab. Halkan ka akhri.

Hadalsame Media