In aad haysato wax kasta oo aad adduunyo uga baahan tahay ma keeni kartaa farxad RUUXI ah?!! (Ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 02 Jan 2020 – Dr Mustafa Kamaal Mahmoud Hussein oo ahaa dhaqtar, faylasuuf, suxufi, caalim iyo cabqari u dhashay waddanka Masar ayaa waxa uu nuqul kamid ah qoraalladiisa kaga hadlay muddadii uu ifka ku noolaa dhibaatooyinka kala duwan ee uu insaanka la tacaalayo, qanaaco la’aanta, iyo nuqsaanta taalla adduunka guudkiisa xittaa haddii aad heer sare ka gaartay nolosha waxa uuna yiri –

Midka ku nool saxaraha bartankiisa waxa uu si daran uga cabanayaa in uusan haysan biyo nadiif ah, kuleyl iyo qabow uu u dhaxeeyo, dabeylo xoog badan ay marba dhinac kaga imaanayso, aan habeenkii la socon karin baqdin laga qabo bahallo dadka dilo ama naafeeyo oo godad waaweyn ka qotay waddada dhexdeeda kuwaasi oo aan la arki karin illaa ay jirkaaga ka qaniinaan.

Kan degan magaalada ee biyaha fiican helayo, iftiinka uu ka shidan yahay gurigiisa, derbiga ku xirtay mukeyf ama qaboojiye gudbiya kuleylka iyo qabowga si uu is-beddelka cimillada uga gaashaanto, isticmaalo teleefonka qaaliga ah, daawado muuq-baahiyaha lagu soo bandhigo dhacdooyinka cusub ee caalamka ka taagan waxa uu ka cabanayaa dheefshiid xumo, kaadi macaan, dhiig kar, wadno xanuun iyo welwel waxa uuna baratan ugu jiraa sidii uu uga adkaan lahaa caqabadaha ku hareeraysan nolosha ee durbadiiba goosanyo qofka haddii uu mar qurra nolosha ka dhaco.

Taajirka malaayiin dollar haysta ee ku nool caasimadda Paris ee hirgeliyay wax walba oo riyadiisa ahaa ama uu ku hammin jiray markii uu yaraa waxa uu had iyo jeer ka cabanayaa walaac qalbigiisa buuxiyay, hurdo la’aan baahsan, waxa uuna qarka u saaran yahay inuu naftiisa dilo si uu raaxo yar u dareemo, halka kan caafimaadka qabo ee xaaska wanaagsan nasiibka u yeeshay uu raadinayo sidii uu maal qabeen u noqon lahaa isaga oo aan marnaba ku qancin nimcada ballaaran ee uu haysto.

Kuwa magaca weyn ku leh adduunka dacalladiisa ee guulaha taariikhiga ah gaaray sida cayaartoyda, feeryahannada ama kuwa lagdanka dheella ama ciyaara waxa ay ku guul darraysteen in ay naftooda xakameeyaan, waxay badankood aad u cabbaan khamriga sidoo kalena daroogada ayey isticmaalaan waxaana asiiba ama ku dhaca cudurro halis ah sida dhiigga maskaxda ku furmo, kansarka, lalleemada oo ah xanuunka ay aalaaba u dhintaan marka ay ajashoodu soo idlaato.

Isku soo wada duuboo, waxa aynu maanta ku nool nahay duni imtaxaan ah oo ciribteedu aan la saadaalin karin balse aad adiga dooran karto meesha aad ku dambeyn doonto, taasi waxaan ula jeedaa in marka hore aad ku qanacdo qaddarta Alle xaggiisa ka sugnaatay, hoggaansanaato oo aad naftaada hagaajiso, raalli geliso Rabbiga ku abuuray isla markaana aad ogaato in safar aan nahay oo ay geeridu na wada sugayso goortay ahaataba.

Waxaana jira Xadiis Nabawi ah oo sheegaya in marka qura ee ay caloosha insaanku buuxsamayso ama dhergeyso ay tahay marka ay carradu ka buuxsanto isagoo dhinsan oo qabriga dhex yaalla.

Qalinkii: Cabdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media