MAALINTA IBRA: Zlatan oo goor dhow kasoo degaya Gegada Linate & taageerayaal badan oo sugaya (Goorta lasoo badhigayo)

0

(Milano) 02 Jan 2020 – Waxaa sii kordhaya taageerayaasha AC Milan ee ku sugan gegada gegada Linate ee magaalada Milano, kuwaasoo sugaya Zlatan Ibrahimovic oo hawada kusoo jira, si uu mar kale u bilaabo tacaburkiisa kooxda Mian.

Zvonimir Boban ayaa tegey Garoonka Linate si uu usoo dhoweeyo Ibrahimovic. Maareeyaha Milan ayaa dhowr sawir la galay taageerayaashii joogey Garoonka ee Milanese-ka ahaa.

Ibra oo saaka 8.55 kasoo duulay Stockholm ayaa lagu wadaa inuu soo caga dhigto garoonka Linate marka ay saacadda maxalliga ihi tahay 11.35.

Zlatan ayaa lagu wadaa inuu caafimaadka maro isla maanta, iyadoo laga sugayo xerada tababarka Milanello, waxaana la sugayaa in saxaafadda la horkeeno berri saacaddu marka ay tahay 10:00 barqannimo.

Qandhada Ibra MANIA ayaa durba cirka isku shareertay iyadoo ay taageerayaashu jecel yihiin inuu safto isla kulanka Sampdoria ee Isniinta, halka la sheegay inuu buuxsamey garoonka San Siro oo ay ciyaartaasi ka dhacayso.

Hadalsame Media