Sucuudiga & Imaaraadka Carabta oo ku dadaalaya inaysan hal arrin marna ka hirgelin Somalia (Yay u kaashanayaan?)

0

(Nairobi) 31 Dis 2019 – Waxaa dhacay qarax aad u wayn oo lagu hoobtay, kaasoo cid kasta oo sheegatay ama usoo dhiibtayba la hubo inay tahay cadowga dadka Soomaaliyeed iyo danahooda.

Waxaa dib markale u bilowday tuhunka ah inay dalal shisheeye maalgeliyaan qaraxyada iyo qalaanqalka Somalia oo qori isku dhiibka qaatay kaddib markii laga xiise dhacay dagaalladii qabaa’ilka oo markii hore booska foowdo joogtaynta ku jirey.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa isku xirey qaraxyadan iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo sababta ay sidaa u samaynayaan intaba:

”Haddii aad i waydiiso waa maxay dhibaatada Somalia? Jawaabtaydu waa Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta iyo qof kasta oo kale oo iyagu ku shaqaystaan macaashna ka raadiya.” ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

”Sababuhu waa in Saliidda & Gaaska Somalia uu cabsi gelinayo Sucuudiga iyo Imaaraadka oo haysta meel ay isku dhaafto badeecada caalamku.”

”Haddii ay Somalia soo saarto Saliiddeeda iyo Gaaskeeda, dekedo casri ahna ka dhisato Bariga Sucuudiga iyo Imaaraadkuba waa khasaarayaan.” ayuu kusoo af jaray.

Yeelkeede, dhibka Somalia haysta waa Soomaalida lafteeda oo ay ku jiraan kuwo siyaasiyiin isku sheegaya, waayo haddii uusan jirin qof Soomaali ah oo uu adeegsado cadowga Somalia, marna ma dhacayso inay dalalkaasi, oo haatan cashar qaraar ku bartay Yaman, ay iyagu soo duulaan.

Hadalsame Media