Turkiga oo markale muujiyey inuu yahay garab aan go’ayn

0

(Ankara) 28 Dis 2019 – Dalka Turkiga ayaa markale noqday dalkii ugu horreeyay ee ka jawaaba dalabka Somalia oo u baahan gargaar dibadeed kaddib qaraxii arxan darrada ahaa ee maanta.

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay inay dayuurad millateri u direen Somalia si ay gacan uga gaysato kaalmaynta dadkii ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa.

“Si aan ugarab istaagno walaalaheena Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii argaggixisanimo ee muqdisho ka dhacay waxaan dirnay diyaaradda TSK oo sida Dhaaqtir, daawoyin iyo Agab kale oo caafimad, diyaradan ayaa laga diray Kayseri” ayuu u dhignaa war kasoo baxay Ciidamada Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in injinneerro Turki ihi ay ka mid yihiin dadka ku dhintay weerarkii maanta.

Hadalsame Media