Sidee ayay gaari QARAX sida ugu suuragashay inuu soo dhaafo intan isbaaro? (Arag inta meel ee la isku baaro)

0

(Muqdisho) 28 Dis 2019 – Ciidamada Dawlada ayaa waxay fadhiyaan todobo Chekpoint oo lagu hubiyo gaariga Muqdisho soo galayo Waxa cajiib ah sida uu gaarigan kusoo maray todobadaasi ilaalo .

Meelaha gawaarida lagu hubiyo oo Ciidamada ay Jogaan waxa ka mid ah .

BAAR ISMACIIL,TARESMATALAHA ,SHANTA, SIINKA DHEER, MACAANE,GARASBALEEY IYO CALAMADA garigiga marku intaas soo dhaafo ayaa waxa ugu dambayn lagu hubinayaa EX CONTROL AFGOOYE oo ah goobtii Saakay Qaraxa uu ka dhacay .

Inta badan goobahan waxay ku yalaan laamiga dheer iyo jiirooyinka laamiga soo gala Waxan ilaa hada iswaydinayaa sida uu gaarigan kusoo dhaafay intaasi ilaalo .

Weliba waxa jira gaariga aan damiin lahayn in aan lasoo dayn sida uu ii sheegay Darawal ka shaqeeya afgooye iyo Muqdisho.

ALLAHA U NAXRIISTO SHUHADADII NAGA SHAHIIDAY.

Waxaa Qoray: Salmaan Jamaal Siciid

Hadalsame Media