DAAWO: ”Nidaamkii Somaliland waxaa ku dhex qaraxdey koox heego la yiraahdo!” – Afhayeenka Waddani oo cambaareeyay xarigga Ramaax

0

(Hargaysa) 27 Dis 2019 – Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac ayaa ka hadlay xarigga siyaasiga Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo uu ku tilmaamay ”mid siyaasadeed” oo aan wax sharci ah ku fadhiyin.

Barkhad ayaa ka hadlay in Ramaax uu u xiran yahay ”koox la yiraahdo Heego”, balse aanu u xirnayn Baashe, sida uu yiri, isagoo sheegay in haatan ay Somaliland xiristu ka noqotay wax iska caadi ah oo aan sharci u baahnayn.

”Aniga iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ayaa inta nala xirey 10 maalmood Mandheera ku jirney, markii dambena la iska kaaya daayay, iyadoo aan sababta naloo sheegin.” ayuu yiri Barkhad oo sheegay in ay Booliisku u dhaqmayaan sidii garsoorayaal sharci.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay ”kooxi ku dhex qaraxdey nidaamki dowliga ahaa”, taasoo uu sheegay inay xitaa halis ku hayaan ri’aasada Madaxwaynaha Somaliland.

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in siyaasi Ramaax – Xoghaya arrimaha gudaha UCID – loo xirey eed ka timid Guddoonka Baarlamanka maamulkaasi, balse may sheegin sharciga ay u cuskadeen.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media